Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Somali ah oo kamid noqotay 3 qof oo u sharaxan bilada Nobel Peace Prize

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilwad Elman oo aas aasaha hay’adda u dooda xuquuqda nabada iyo xuquuqul insaanka ee Elman, ayaa loo soo xulay abaalmarinta Nabadda ee Nobel, sida uu sheegay machadka daraasaadka Nabadda ee Oslo.

Elman ayaa ka shaqeysa badbaadinta dhalinyarada ragga iyo dumarka ah, si looga hortago ku biiristooda kooxaha hubaysan iyo dhaqancelinta kuwa kasoo laabta ururada xagjiriinta.

” Waa ii sharaf inaan u sharaxanahay Nobel Peace Prize,” ayay Elman kusoo qortay boggeeda rasmiga ah ee Twitter.

Ilwad Elman, Nathan Law Kwun-chung oo kasoo jeeda Hong Kong iyo Hajer Sharief oo kasoo jeedda Libya, ayaa kamid ah dadka ugu sareeya liiska musharixiinta Nobel Peace Prize ee sannadkaan 2019.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Greta Thunberg oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimilada, ayaa liiskaan kasoo muuqan waayay, iyagoo markii hore safka hore kaga jiray 301 qof oo loosoo magacaabay abaalmarinta bilada nabada aduunka ee Nobel Peace Prize ee la bixindoono bisha soo socota.

Maalmo ka hor Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey inuu heli doono abaalmarinta Nobel haddii si caddaalad ah lagu bixinayo. “Waxaan u maleynayaa inaan ku heli doono abaalmarinta Nobel waxyaabo badan haddii ay si caddaalad ah u bixiyaan, oo aysan iyagu haysan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha .

2019927637052005743018882gettyimages-660llwad Elman From Somalia, ka hortagga askaraynta carruurta iyo dhaqan celinta ipanews_5d8b94c9-2dfc-4450-affb-bb161984 Nathan Law Kwun-chung oo u dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadda ssssssssssssssssssssss.jpg?resize=575%2CHajer Sharief From Libya, oo u dhaqdhaqaaqda dhalinyarada iyo haweenka.

Puntland Post

The post Gabadh Somali ah oo kamid noqotay 3 qof oo u sharaxan bilada Nobel Peace Prize appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this