Deeq A. Posted September 28, 2019 Faah haahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu kadhacay goob ay si gaar ah u fadhiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, waxaana ay tilmaamtay inay ku dishay labo askari, kuna dhaawacday 8 kale, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dolwadda oo ku aadan qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoo meesha ay wax ka dhaceen ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites