Deeq A. Posted September 28, 2019 Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka bilaabeen inta u dhexeysa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud. Saraakiisha ciidamadaasi ayaa Shabelle u sheegay in jeedka baaritaanadan uu yahay, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadka dilalka qorsheysan ka geysta gobolkaasi. Sidoo kale saraakiishu waxa ay tilmaameen in natiijada howlgalkan ay dib ka faah faahin doonaan. Habeen ka hor ayey aheyd markii labo qof oo shacab ahaa lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites