Sign in to follow this  
Deeq A.

DR.Maxamed Axmed “Kooxda Horseed Wax Badan Ayay Kasoo Bartay Tartanka Jamaacada Carabta”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee Horseed ayaa sanadkan ka qeybgashay tartan Jaamacadda carabta waxaana Horseed ciyaaraha dibadda ugu danbeesay ka hor 2019 sanadii 1984 kooxda cawa maalin waxa ay ka mid aheyd naadiyadii ugu adkaa waayadii hore,balse mudo dheer ka dib maxay Horseed kasoo bartay ku soo laabashada tartamada guddoomiyaha kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin in naadiga ciidanka xoogga dalka ay kusoo laabto tartamada dibada.

IMG-20190820-WA0009-1024x682.jpg
“Wax badan oo faa’ido ah ayaan kasoo baranay tartankii aan kaga qeyb galnay magaalada Casablanca ee wadanka Morocco waxaa naloo soo dhaweeyay,si heer sare maadama kooxda Horseed ay ka mid aheyd naadiyadii ugu caansanaa barisamaadka ciyaaraha kala duwan ee carabta” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed  DR.Maxamed Axmed Maxamed.
Sequence-13.00_01_46_18.Still002-1024x76
Warbaahinada ka faalooda ciyaaraha carabta ayaa siweyn u gorfeeyay taariikhda iyo guulaha ,iyagoo soo bandhigay in kooxda ciidanka xoogga dalka ay guul muhiim gaartay sanadihii 1973 ilaa 1984 waxayna watqigaa ka badisay kooxo badan sida uu Goobjoog u sheegayo guddoomiyaha naadiga Horseed.

IMG-20190830-WA0006.jpg

Si kastaba kooxda Horseed ayaa fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay 2018-2019 si darqi ah loogu qaaday loolanka hanashada horyaalka Somalia Premier League waxaana sanadkii saddexaad ku guulaystay xidigaha Dekeddaha maamulka kooxda Horseed ayaaa taageerayaashooda u balanqaaday in ay sii wadi doonaan horomarkooda guulaha dhinacyada dibada iyo gudaha,si ay naadiga u tiigsato meel sare.Sequence-13.00_03_13_17.Still004-1024x76

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wixii Ay Horseed Kasoo Bartay Tartanka Jamaacada Carabta

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this