Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo 80 Jir Ah oo Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ayaa sheegaya in saaka magaalada Muqdisho lagu dilay hooyo 80 jir oo ku ganacsan jirtay gudaha suuqa Bakaaraha oo ka tirsan xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Koox ku hubeysan butsoolado ayaa haweeneyda dilay, iyaga oo goobta ka baxsaday markii ay hubsadeen dhimashadeeda.

Hooyadan oo la sheegayo in ilmaha agoon ah korin jirtay ayaa waxaa ay shaah ku gedi jirtay gudaha suuqa Bakaaraha.

Lama oga sababta dhabta ah ee loo dilay, laakin wararka qaar ayaa sheegaya in horay uga shaqeyn jirtay nadaafadda madaxtooyada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this