Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Haweeney ku toogtay Suuqa Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay haweeney da’aheyd oo ku ganacsan jirtay gudaha Suuqaasi.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu soo koobay Xadiyo, taas oo iibin jirtay Shaax, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogaal ah.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa marxuumadda ku toogtay waddada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka Haweeneydaasi, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this