Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray safaarada Soomaaliya ee Washington

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalka uu ka lahaa caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadka Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

  • 2-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • xarig-jar-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray safaarada Soomaaliya ee Washington appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this