Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay Soomaali uu ku jiro Sheekh caan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay dhowr qof oo Soomaali-Kenyan ah iyo qaar kale oo Soomaali ah, sababo la xiriira inay taageeraan kooxaha argagixisada.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegi doonto hantida dadkan, islamarkaana ka manuucday dadka Mareykanka inay wax xiriir maaliyadeed ah la sameeyaan shaqsiyaadkan.

Liiska dadka la xayiray ayaa waxaa ku jira Sheekha caanka ah ee Sheekh Xasan Xuseen Aadam. Waxaa sidoo kale ka mid ah Sheekh Xasan Cumar, Xasan Mahad (Cumar) iyo Xasan Mahad. Dadkan ayaa dhammaantood ah Soomaali-Kenyan.

Waxaa sidoo kale liiska ku jiray Cabdifatax Abubakar Cabdi oo loo yaqaan (Muhaajir Musa) oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Mombasa.

Dhammaan hantida dadkan ay ku leeyihiin Mareykanka, haddiiba ay jirto, ayaa la xanibay.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale liiska madow ku dartay hay’adda Al-Xaramayn ee fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bishii April xayiraad saartay Xaliima Aadan Cali oo ah Soomaali-Kenyan kadib markii lagu eedeeyey inay 150,000 oo dollar ay u dirtay dagaal-yahannada Daacish ee ka dagaalama Libya, Syria iyo Bartamaha Afrika, ayada oo marineysa xawaaladaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this