Deeq A. Posted September 27, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Taliska Booliska gobolka Mudug ayaa soo bandhigay maandooriyeyaal ay kasoo qabteen xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo. Maxamuud Cilmi Bulaafe, taliyaha booliska gobolkaas, ayaa shaaca ka qaadey in ay xabsi ku jiraan shaqsiyaadka lagu soo qabtay agabkaas. Mr Bulaafe ayaa hoosta ka xariiqay in xubnahaas oo uusan tiradoodu carabaabin ay yihiin maxkamad-sugeyaal sharcigana ay wajahayaan. Dhinaca kale, taliyaha ayaa shaaca ka qaadey in ay ku raad-joogaan xubno kale, kuwaasi oo uu tibaaxay in ay dhuumaaleysi ku jiraan. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bulaafe.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites