Sign in to follow this  
Deeq A.

Amarro lagu soo rogay shirarka ka dhacaya Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa ku amray mukiileyaasha huteeladda in aysan martigelin shirar uusan maamulku ka war-hayn.

Ma cadda ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa arrintan. Balse wuxuu imaanayaa iyadda dhowaan uu ka dhacay kulan lagu dhaleeceeyay xukuumada federaalka.

Odayaasha oo kulanka yeeshay ayaa waxay dhaliileen is-hortaagii lagu sameeyay socdaal uu Sheekh Shariif ku tegi lahaa magaaladda Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha ee tegaya Kismaayo ku amartay in ay isa soo diiwaan-geliyaan 24-saac kahor duulimaadkooda.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa lays waydiinayaa qaabka uu ku dhaqan-geli doono go’aankan cusub ee kasoo baxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this