Sign in to follow this  
Deeq A.

Ololaha Xil Ka Qaadista Madaxweyne Trump Oo Si Weyn Looga Dareemayo Dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waxaa sii xoogeysanaya dadaalo lagu doonayo in mooshin xil ka qaadis ah lagu sameeyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

donaldtrumpwhistleblower-1024x683.jpg

Afhayeenka aqalka hoose ee Congress-ka Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay bilaabi doonaan xil ka qaadista Trump oo loo haysto khiyaano Qaran.

Trump ayaa lagu eedeeyay in taleefanka gacanta uu kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kana codsaday in uu ka taageero baadhitaan ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Maalmo kadib Trump ayaa u fasaxay Ukraine lacag dhan 400 million oo doollarka Mareykanka oo kaalmo Millatari ah, sida lagu muujiyay baadhitaanada hordhaca ah ee Socda.

Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu ku kacay khiyaano qaran maadaama uu kaalmo weydiistay dal Shisheeye.

Balse lama oga in xil ka qaadista Donald Trump ay isku raaci doonaan labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this