Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Tallaabo Millatari Ugu Hanjabay Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay mid millitari kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday xarumihii shidaalka, weerarkaas oo lagu eedeeyay Iiraan.

sucuudiga.png

“Inkasta oo Sucuudiga aanu dooneyn dagaal, Iiraan ayaa lagala xisaabtami doonaa weerarkii diyaaradaha Drones-ka ay ku qaadeen xarumaha shidaalka”,ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Caadil Al Jubeyr.

Baadhitaan uu Mareykanka soo saaray waxaa lagu sheegay in weerarka ay ka dambeeysay Iiraan.

“Waxaan eegi doona qaababka noo furan hadda ee na horyaal, go’aan ayaan gaadheynaa” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo la hadlayay BBC.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this