Deeq A. Posted September 27, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah u soo afjartay colaadii ka taagneyd degaanada Huurshe iyo Xeraale. Guddi ka socda xukuumnadda oo halkaas ku sugnaa ayaa ku guuleystay in ay heshiis ka kooban dhowr qodob ay ka kala saxiixaan labadda dhinac. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa in hubka ay kusoo wareejiyaan, isla markaana aanan gudaha degaanka lagu dhex-qaadan karin. Bashiir Daajir Dhago-badan, gudoomiyaha Xeraale, ayaa tibaaxay in dowladdu ay ciidamo kala dhex-dhigtay beelahaasi walaala ah. Ciidamadda ayuu hoosta ka xariiqay in ay xiri doonan cid kasta oo lagu arkaa iyadda oo gudaha degaanka hub ku dhex-watada. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Ciidamo.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites