Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ciidamo kala dhex-dhigtay beelo dagaalmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah u soo afjartay colaadii ka taagneyd degaanada Huurshe iyo Xeraale.

Guddi ka socda xukuumnadda oo halkaas ku sugnaa ayaa ku guuleystay in ay heshiis ka kooban dhowr qodob ay ka kala saxiixaan labadda dhinac.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa in hubka ay kusoo wareejiyaan, isla markaana aanan gudaha degaanka lagu dhex-qaadan karin.

Bashiir Daajir Dhago-badan, gudoomiyaha Xeraale, ayaa tibaaxay in dowladdu ay ciidamo kala dhex-dhigtay beelahaasi walaala ah.

Ciidamadda ayuu hoosta ka xariiqay in ay xiri doonan cid kasta oo lagu arkaa iyadda oo gudaha degaanka hub ku dhex-watada.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Ciidamo.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this