Sign in to follow this  
Deeq A.

Rayid dil iyo dhaawac loogu geystay duleedka Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kelana way ku dhaawacmeen kadib markii duleedka Gaalkacyo lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen.

Laamaha ammaanka Galmudud ayaa xaqiijiyey in maleyshiyaad dhac doonayey oo ka yimid dhanka Puntland ay ka dambeeyeen falkan dhimashadda dhaliyey.

Goobjoogeyaal kala duwan oo u waramay Shabelle ayaa sheegaya in gaari nooca raaxadda ah oo ay qateen dadkan shacabka uu halkaas ku gubtay.

Bukaanadda ayaa waxaa haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa mid kamid ah isbitaaladda ku yaala xarunta gobolka Mudug.

Inta badan magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaca falal noocaan ah, iyadda oo aanan jirin cid loosoo qabtay oo maxkamad loosoo taago.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this