Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dhexmaray Shabeellaha Dhexe.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka, iska hor-imaadka ayaa wuxuu ka dhacay duleedka degmadda Balcad gaar ahaan wadada soo aadan dhanka magaaladda Muqdisho.

Dagaalka ayaa wuxuu yimid ka gedaal markii fariisin ay ciidamadda dowladda halkaas ku leeyihiin ay soo weerareen dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey saddex askari oo ciidanka dowladda kamid ah ayaa lagu dilay falkaas, xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaas ka badan.

Dhinaca kale, kadib weerarkaas ciidamadda dowladda ayaa sameeyay howlgalo aanan la ogayn hadii shaqsiyaad la tuhunsan yahay lagu soo qabtay.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan isku dhacaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this