Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo billaabay in ay dilaan odayaashii diiday in ay isa soo diiwaan geliyaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa 24-kii bishan magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ( Qaloosh), oo ka tirsanaa waxgaradka beelaha Soomaaliyeed.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay albaabka hore ee waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, halkaas oo sidoo kale ah goob ay dagan yihiin ciidan ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Qaar kamid ah dhaqanka Soomaaliyeed ee ku jiray odayaashii soo dhisay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wajahayaan walaac dhanka ammaanka ah islamarkaana aysan heysan damanaad qaad amni.

Waxaa la aaminsan yahay in Nabadoonka dilkiisa ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in ay beegsanayaan odayaashii diiday in ay booqdaan xarumaha Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa.

Dilkan ayaa qeyb ka ah olole cusub oo Shabaab ay billaabeen oo lagu dilayo odayaashii soo xulay xildhibaanada ee amarkooda diiday.

Odayaasha diiday amarka Al-Shabaab ayaa hadda ka walaacsan in lagu soo socod, balse ma jirto cid amnigooda sugi karto, marka laga reebo inyar oo dhaqaale haysta oo ilaalo qortay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this