Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix go’aan oo ay qaadatay dowladda Farmaajo oo aan horay loo arag (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowrkii sano ee ay jirtay waxay qaadatay go’aanno muran badan dhaliyay, kuwaas oo si gaar ah u taabanayay arrimaha gudaha.

Inkastoo ay jireen go’aanno kale oo aan horay looga baranin dowladdihii hore oo ay qaaday xukuumadda oo ay ka mid tahay eryidii ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo go’aankii dhexdhexaadnimada ee khilaafka dalalka Carabta ayaa haddana go’aano lama filaan ah waxay ka qaadatay arrima badan oo khuseeya gudaha dalka, kuwaas oo ay owladdu ku kasbatay dhalleeceeyn iyo ammaan si isku mid ah.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa shan arrimood oo ka mid ah waxyaabahaasi.

  1. Xayiraadda diyaaradaha ee Kismayo

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar hor leh oo ku aadan tegitaanka Magaalada Kismayo ee Jubaland.

Maamulka hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa amar ay soo saartay ku sheegtay in gebi ahaanba la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tagi jireen Magaalada Kismayo ee Jubaland.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu jiri doono 23 Sabtemabr illaa 26 Sabtemabr 2019, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen shirkadaha duulimaadayada ee taga Magaalada Kismayo.

Guddiga duulista hawada sare ayaa beeniyay jiritaanka amarkaasi, inkastoo muddo afar maalmood ah aysan duulin diyaaradaha maalin kasta isaga kala gooshayay Kismayo iyo magaalooyinka kale sida Muqdisho iyo Dhoobley.

Go’aankan ayaa la aaminsan yahay in dowlada ay uga hotageysa ka qebgalka caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo doorashadiisa muranka ka dhashay.

Caleema saarka ayaa la filayay inuu dhaca 26-ka Sebtember balse dib ayaa loo dhigay, lamana sheegin goorta la qaban doono.

  1. Xayiraadii Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaamiyah xisbiga Himilo Qaran ayaa toddobaadkan ay masuuliyiinta dowladda Soomaaliya uga horistaageen inuu u safro Kismayo si uu uga qeybgala caleemka saarka madaxweynaha Jubbaland oo mar kale ku guuleystay doorasho lagu muransan yahay.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay horay u soo saartay amar ah in dhamaan duulimaadyada tagaya Magaalada Kismayo ay 24 saac kahor duulimaadka fasax soo weydiistaan hey’adda duulista rayidka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Go’aankaas ayaa la aaminsa yahay in uu saameeyay Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Magaalada Kismayo, si uu uga qeybgalo caleema saarka Madaxweynaha Jubaland lagu wado in 26 ka dhaco Magaalada Kismayo.

Balse Sheekh Shariif oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhalleeceyn xooggan u soo jeediyay dowladda kuna tilmaamay inay si aan dastuurka ku meel gaarka ah waafaqsanayn ay ku shaqeyneysa, “iyadoo xadideysa dhaqdhaqaaqa shacabka”

  1. Xarigii Mukhtaar Robow

Mukhtaar Roobow Cali Abu-Mansuur oo ka mid ah musharrixiinta u tartameysa jagada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa weli xiran iyada wali aan wax maxkamad ah la soo taagin.

Waxaa la xiray wax yar uun ka hor uun doorashada iyadoo dolwadda ku eeedeysay inuu ku lug lahaa abaabulka meleeshiyaad. Waxay ka mid ahayd waxyaabihii soo jiitay dhalleeceynta xooggan oo qeyb ahaan ka timid Qaamada Midoobay. Waxana horeeday in la joojiya taageeradii ay QM siin jirtay ciidammadii ku lug lahaa hawlgalkii lagu xiray Mukhtar oo daraasiin dad ah ay ku dhinteen.

4. Eryiddii Haysom

Bishii January ee sannadkan, waxay dowladda Soomaaliya amartay Nicholas Haysom inuu ka baxo dalka, kaas oo ahaa wakiilkii Hoghayaha Guud ee Qaramada Midoobeey u qaabilsanaa Soomaaliya.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ku amartay Haysom inuu si degdeg ah waddanka uga baxo, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

Wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo xilligaas u warramay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

5. Xariga Cabdirashiid Janan

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Xiristiisa waxay timid wax yar uun ka dib doorashadii jubbaland oo ay doladda federaalka sharci darro ku tilmaantay.

Kuxigeenka taliyaha booliska ee Soomaaliya, Sareeye-guutoZakiya Xuseen, waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay: “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa taariikhdu markay ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane Cabdirashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”

Dowladda wali ma aysan bixinin faafaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta loo xiray, hasayeeshee wasiirka ku xigeenka batroolka ayaa bartiisa Facebook-ga ku qoray in qofwalba oo oo dhibaa ka geystay gobolka Gedo lala xisaabtamayo.

Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.

Balse dowladda Jubbaland ayaa si kulul u cambaareysay xariga Janan kuna tilmaantay mid siyaasadeysan.

6. Dhiibistii Qalbi Dhagax

Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ee ka hawlgasha Itoobiya ayay Xukuumadda Soomaaliya bishii Agoosto ee 2017-kii u gacan galisay Itoobiya, arrintaas oo keentay caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Dowladda ayaa xiligaas sheegtay in Cabdikariim Qalbi Dhagax uu dalka ka waday falal liddi ku ah ammaanka, gacaan saarna uu la lahaa Al Shabaab, hasayeeshee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku taageeray go’aanka baarlamaanka uu ka qaatay arrintaasi.

Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah, ayadoo xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.

Tallaabooyinka aan horay loo arag ee dowladda ma loo baahan yahay?

Abuukaate Zakariye oo ah garyaqaan ayaa BBC-da u sheegay in markii ay burburtay dowladii dhexe la isugu yimid shirar badan, balse qaar badan oo kamid ah lagu fashilmay, markii dambana shirkii Carte uu ka soo baxay isfaham, kaa soo ahaa in dib loo yagleelo dowladnimo Soomaaliyeed.

Su’aasha ah in dowladda hada jirta ay qaaday tallaabooyin aan horay loo arag ayuu sheegay in ay wajiyo badan yihiin oo qaarna ay u fiican yihiin dowlad dhisida, qaar na laga yaabo inay tahay “xadgudub iyo in ay dib u dhac ku keento” dowladnimada.

“Haa, tallaabooyinka aan kala qaadno, tusaale ahaan talaabooyinka dhanka canshuurta ee ay qaaday dowladda waa mid loo baahan yahay oo lagu dhisayo dowladnimada, balse dhanka kale tallaabooyinka ay dowladda qaaday waxaa kamid ah cunaqabateynta Kismayo oo khilaafka dowladda iyo Axmed ay saameysay dadka rayidka ah ee ay kamid yihiin ganacsatada oo qofwalba uu xaq u leeyahay in uu ganacsada, taasi waa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, marka dhanka sharciga laga fiiriyo“, ayuu BBC-da u sheegay Abuukaate Sakariye oo ah garyaqaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in marka la eego marxaladihii ay soo martay dowladnimada Soomaaliya, loo baahan yahay in tallaaba walba la waafajiyo xeerka iyo dastuurka.

“Dib u yagleelida dowlad Soomaaliyeed macnaha ugu weyn waxay ahayd in la daaweeyo cuqdadihii dagaalkii sokeeye ka dhahsya, taas oo macnaheedu tahay in waxkasta lagu wado isfaham, isku dhimrid, si loo garao yoolka dowladnimo Soomaaliyeed”

Soomaaliya ayuu sheegay inay wali ku socoto jidkii dhameystitka dowlad loo dhan yahay, loona baahan yahay in tallaabo walba la waafajiyo dastuurka.

Xigasho: BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this