Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/Wasaare Kheyre oo booqday ciidamo loo diyaariyey howlgal cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka Gen. Gordan iyo Kulyadda Jaalla Siyaad ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo Al-Shabaab looga saaray deegaanada ay weli maamulaan.

Kheyre ayaa sheegay in dowladdu dardar gelineyso tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida.

Ciidamada, macallimiinta iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay dadaalladooda naf-hurnimada ah ee ay ku badbaadinayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay dowr firfircnoon ka qaataan howl-gallada shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo dhibaatada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ugu tegay ku dhiiri-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo, ayaa ciidamada u caddeeyay in dowladdu muhiimadda koowaad siineyso bixinta iyo hagaajinta xuquuqda ciidanku ay ku leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

331A0848.jpg 331A0796.jpg 331A0653.jpg 331A0618_copy.jpg 331A0549.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this