Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Safiirka, masuuliyiinta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi uga mahadceliyey soo dhowaynta ballaaran ee ay u sameeyeen isaga iyo weftigiisa.

Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadandoonaa masuuliyiinta dalkaasi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.

71049755_736094153470774_375171171325103 70714773_736093846804138_722075168721915 71708629_736094470137409_243074557591892

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this