Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Jacques Chirac oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

shiraq.jpeg?resize=690%2C423

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska,Jacques Chirac ayaa ku geeriyooday da’da 86. Qoyska Jacques Chirac ayaa xaqiijiyay in subaxnimadi saaka uu geeriyooday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Jacques Chirac waxaa uu xilka madaxtinimada hayay laga bilaabo sannadkii 1995-tii ilaa 2007-dii.

Waxaa sanidihii dambe loo heystay fadeexad musuq maasuq.

Chirac wuxuu dhashay sannadkii 1932-kii, waa uu xannuunsanaa tan iyo markii uu xilka ka degay.

Baarlamaanka Faransiiska ayaa hal daqiiqo aamusay si loo xuso geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalkaas.

Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub,Jean-Claude Juncker ayaa sheegay inuu ka naxay markii uu soo gaaray warka ku saabsan geerida ku timid Jacques Chirac.

Sannadkii 2003-dii, waxaa uu kasoo horjeeday duullaankii uu Mareynkanka Ciraaq.

shiraq1.jpg?resize=690%2C516

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this