Deeq A. Posted September 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay agagaarka isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ahaa mid gaari lagu soo xiray, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayaa in qaraxaas ay waxyeelo ay ka soo gaartay Macalimiin Tirkiyaan ah iyo labo Soomaali ah. Ciidamoka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana caadi ku soo laabta dhaq dhaqaaqa guud ee waddadaasi oo ah mid mashquul badan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites