Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo dil ka geystay G/ Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay labo qof oo rayid ahaa ku dileen duleedka M/Cadaado ee gobolkaasi.

Labada qof ee la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Kooxda dilka geysAtay ayaa la sheegay inay wateen gawaari gaashaaman, kuwaas oo goobta isaga dhaqaaqeen dilka kadib.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan dilalka ka dhaca gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this