Deeq A. Posted September 26, 2019 Jowhar (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Hantiwadaag degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Booliska ay ku leeyihiin halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay sheegtay in ay ku dishay labo askari, kuna dhaawacday mid kale. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay horay u sii qaateen dagaalyahannadooda hubka ay wateen askartaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites