Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta: Soomaaliya waa in ay wada hadal ka gasho muranka badda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeeyay Soomaaliya in ay oggolaato wada-hadallada ku saabsan dhul baddeedka lagu muransan yahay ee Badweynta Hindiya.

Isaga oo ka hadlayey doodda shirka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, ayaa Uhuru wuxuu sheegay in Kenya ay wali ka go’an tahay dadaalkeeda nabadeed iyo xasilloonida gobolka.

Uhuru ayaa sheegay in dadaalka noocan oo kale ahi yahay waxa wadamada dariska ay ku gaadhaan qorshahooda horumarineed.

“Go’aanka ah in la raaco nabadda iyo amniga ayaa xudunta u ah Siyaasadda Arimaha Dibadda ee Kenya. Waan ku faraxsanahay inaa iraahdo dadaallada wadajirka ah ee lagu hormarinayo nabadda iyo amniga gobolka way sii socondoonaan illaa ay miro dhalaan,” ayuu yidhi Uhuru.

“Isla dareenkaas, maamulkaygu wuxuu sii wadayaa inuu la xiriiro Soomaaliya isaga oo isku dayaya sidii uu ku heli lahaa xal waara oo loo helo muranka xudduudda badda ee inaga dhexeysa,” ayuu yidhi.

Uhuru wuxuu sheegay in Axdiga Qaramada Midoobay in uu mudnaanta siinayo isticmaalida gorgortanka oo ah habka ugu door bidida xallinta khilaafaadka.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in lagu kala bixidoono maxkamada cadaalada aduunka, si xal buuxa looga gaaro muranka badda ee labada dal.

Puntland Post

The post Madaxweyne Uhuru Kenyatta: Soomaaliya waa in ay wada hadal ka gasho muranka badda. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this