Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo War Ka Soo Saartay Kulankii Ay New York Ku Yeesheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Uhuru

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wasiirka Arrimaha Dibbada Kenya Monica Juma ayaa soo dhoweysay kulankii ay ku yeesheen magaalada New York Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay labada isfagarad ku gaadheen labada Madaxweyne.

1151429-1.jpg

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ayaa waxay Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku gaadheen is afgarad sidii xidhiidhkii labada dal si caadi loogu soo celin lahaa.

“Kenya waxa ay soo dhoweyneysaa kulanka labada madaxweyne oo ah tallaabo jihada wanaagsan loo qaaday”ayay tidhi Monica Juma oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Kenya ay mar walba aaminsan tahay wada hadalada ay yihiin habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo mushkilada ka jirta Afrika.

“Kenya waxa ay marwalba aaminsan tahay in wadahadalada ay yihiin habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo mashaakilada ka jira Afrika”ayay mar kale tidhi Monica Juma.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this