Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Israa’iil Oo Xabsiga Dhigay Mas’uul Sare Oo Ka Tirsan Xukuumadda Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Booliska Israa’iil ayaa sheegay in ay xidheen wasiirka arimaha Jerusalam Fadi-Al-Xamaadi shalay oo arbaco ahayd.

156943894122478.jpg

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Falastiin ayaa lagu eedeeyay xadhigaan iyadoo intaa lagu daray in falkaan uu qeyb ka yahay ololaha cabsi galinta Israa’iil ka wado Gaza.

Ciidamo ka tirsan booliska Israa’iil ayaa u dhacay guriga mas’uulkan ka hor inta ayna xabsiga Dhigin.

Wakaalada wararka ee AP oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Israa’iil ayaa qortay in Al-Xadaami lagu haysto ku lug lahaanshiyaha arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this