Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni: Hawada Soomaaliya maahan Dukaan qof leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ka qeyb galayo saleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe).

Madaxweyne Deni oo wareysi gaara siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay  in uu ka mid yahay martida lagu casumay caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, uuna ka qeyb gali doono .

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in hawada Soomaaliya aysan ahayd dukaan qof leeyahay, ee ay tahay hawo sharci lagu maamulo, sharcina lagu maro, qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliya-ba ay u xilsaaran yihiin.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in uu aad uga xun yahay in uu dhaco ku xad-gudub Dastuur, oo dadka loo diido xaqa uu Dastuurku siiyay, aysana ahayn ariin ku haboon dadnimada iyo dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in uu rajeynayo in dowladda iyo dadka ka shaqeeyay xanibaada duulimaadyada Kismaayo uu caqligu u talin doono.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni: Hawada Soomaaliya maahan Dukaan qof leeyahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this