Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo ka digtay qorsho halis ah oo Al-Shabaab ay la damacsan yihiin muwaadiniinteeda ku sugan Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) –Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay xogo xasaasi ah oo ku saabsan tallaabooyin ay Kooxda Al-Shabaab ka qaadi rabaan muwaadiniin ay kamid yihiin kuwa Ingiriiska.

Xafiiska Arrimaha Dibadda UK oo soo saaray qoraal ayaa sheegay inay Muwaadiniinta u dhashay Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya ku wargelinayaan inay si deg deg ah uga soo baxaan Soomaaliya maadaama la helay xogo sirdoon oo ku saabsan inay Al-Shabaab afduuban rabaan muwaadiin ay kamid yihiin kuwa dalkaas kasoo jeedo.

Xafiiska ayaa ku wargeliyey Muwaadiniinta Ingiriiska u dhashay ee howlo muhiim ah ka helay Soomaaliya inay kaliya tagaan Hargeysa iyo Berbera oo uu Xafiiska ku sheegay inay yihiin laba meel oo la isku haleen karo.

Dowladda Ingiriiska wax faahfaahin ah kama bixin qorshaha ay Al-Shabaab damacsan tahay iyo meelaha lala beegsan doono balse waxay kaliya kusoo koobtay inay heleen xogo ku saabsan in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarro argagixiso iyo afduub ay kula kacaan Ajaanibta ay ka midka yihiin dadka British-ka ah.

Xafiiska Arrimaha Dibadda UK ayaa u sheegay muwaadiniinta u dhashay dalkaas ee doonayo adeegyada Qunsuliyadda inay ka heli karaan Wadamada Kenya iyo Itoobiya.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhawr jeer oo hore soo saartay digniino ku aadan weeraro ay damacsan tahay Kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Ingiriiska ayaa inta badan warbixinadeeda ku baraarujiso muwaadiniinteeda inay booqdaan kaliya deegaanada Somaliland oo ku tilmaamtay inay tahay meelo ammaankeeda la isku haleen karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this