Deeq A. Posted September 26, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay soo afjarto colaad dhiig fara badan ku daartay oo beelo walaalo ah ku dhexmartay gobolka Galgaduud gaar ahaan Huurshe iyo Xeraale. Heshiiska oo ay kala saxiixdeen beelaha ayaa waxa uu ka kooban yahay dhowr qodobo, kuwaasi oo warbaahinta loosoo bandhigay. Mudane Yaxye Cali Hereeri, lataliyaha ra’iisul wasaaraha ahna xiriiriyaha tubta siyaasadda loo dhan yahay ayaa saxaafada u mariyey. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo muddo saddex bilood ah ku sugnaa degaanadda Galmudug ayaa ku guuleystay dhowr arrimood waxaana arrintan ay kamid tahay guulaha miro dhalka ah ee kasoo baxay socdaalkiisa. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Heshiisyo.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites