Sign in to follow this  
Deeq A.

AlShabaab oo sheegatay weeraro ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay laba weerar oo loo adeegsadey qaraxyo kana dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda, saacadihii lasoo dhaafay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Falka labaad ayaa lagu qarxiyey kolanyo uu la socday gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo marayey duleedka magaala madaxda dalka.

“Gudoomiye Shuute ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarkaasi dhabagalka ah,” ayuu yiri sarkaal u hadlay xarakadda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkan oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this