Deeq A. Posted September 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay laba weerar oo loo adeegsadey qaraxyo kana dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda, saacadihii lasoo dhaafay. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Falka labaad ayaa lagu qarxiyey kolanyo uu la socday gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo marayey duleedka magaala madaxda dalka. “Gudoomiye Shuute ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarkaasi dhabagalka ah,” ayuu yiri sarkaal u hadlay xarakadda Al-Shabaab. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkan oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites