Deeq A. Posted September 26, 2019 New York (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahaddalo wax ku ool ah kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutteres. Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa waxay kaalin mug leh ka qaadaneysaa dhismaha iyo xoojinta ee hay’adaha dowladda, waxaana rajaynaynaa in wada shaqeyntaas lasii dardargeliyo. Farmaajo iyo Gutteres ayaa waxay isla garteen in sarre loo qaado wada shaqeynta iyo taageeradda ay UN-ka siiso xukuumada Muqdisho. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey dedaaladda dib u habeynta amniga iyo dhaqaalaha ee dowladda federaalka ah, wuxuuna ku tartarsiiyey in halkeeda laga soo wado. Ugu dambeyntii, kulanka labadda mas’uul ayaa wuxuu kusoo dhamaaday isfaham. Madaxweynaha dalka ayaa Mareykanka ugu sugan ka qeybgalka shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaasoo dhowana furmay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites