Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne FARMAAJO: Nin kasta qofka uu abaal gashto baa abaal mariya!

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka iyo dadkii doortay ama madax-weynaha uu ahaa  haddii ay maant ku abaal marin lahaayeen macno la garan karo bay ahaan lahayd laakiin abaal marinta Concordia Leadership Award  ay siisay Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo, waxay ku tusaysaa oo keliya in Concordia Leadership Award ay tahay hay’ad aan macaash ku shaqayn oo qabka ay u adeegto ay tahay iyo abaal marinta ay bixinayso ay siyaasada ahaan wax ka go’aamiyaan dowladaha  iyo dadka deeq bixiyeyaasha ah ee iyada kaba tassoo aan ka madax bannaanayn u adeegsita siyaasadaha hadba dalalka iyo dadka iyada maal geliya waana qaabka hay’ado badan oo iyada oo kale ah ama kuwo sama-fal sheegta ay taageeraan siyaasadaha ay dowladaha iyaga maal geliya wataan!…waxayna abaal marintan caay ku tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo iyaga u haysta in Farmaajo abaal marinta lagu siiyay dhagarta iyo khayaannada uu ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Hay’adda abaal marintan oo la aasaasay 2011ayaa aasaaskeed lagu beegay sanad guurradii 10aad ee ka soo wareegtay  September 11, ujeeddada loo aasaasayna waxay ahayd in la dhiso hay’ado qayb ka noqda la dagaalanka  wax loogu yeero Xag-Jirnimmada, siiba in lala dagaalo oo laga hor tago in Xag-Jirnimmada ay ka aasaasanto dalalka dowladaha fashilmay (Failed States)  dalalka saboolka ah, ama mujtamacooda aqoon yaryahay.

Hay’addaan shaki la’aan waxay aad uga war haysaa  in madax-weyne Farmaajo uu ku shaqeeyo talooyinka dalalka deriska ah gaar ahaan dalka Itoobiya, abaal marintana waxay dhiiri gelin u tahay hawlo qarsoon oo ka dhexeeya Farmaajo iyo Abi Axmed oo labadaba dalalka aad moodo in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay siinayso Hab-Maamuus (Protocol) isku mid ah meeshii ay tagaanba si laysugu hayo, waxaan  iyadana ka war haynaa oo aan arrin qarsoon ahayn in Farmaajo uusan ummadda uu madax-weynaha u yahay aba yaraatee uusan ku soo kordhin wax aan ka ahayn inu isku diro, inuu kala qaybiyay, inuu dastuukii iyo cahdigii ay ku heshiiyeen uu laalay, walina uu dagaal kula jiro waxyaabihii taabo galka u ahaa ee ummadnimmada iyo dowladnimmada Soomaaliya!… Waxaa iyadana xusid mudan in Abiy Axmed uu sidaasoo kale dagaal bareer ah uu ku qaaday dhammaan qawaaniintii iyo nidaamkii federal-ka ahaa ee Itoobiya, mana jirto Xag-Jirnimo ka dhex jirta dalka Itoobiya oo uu la dagaalamayo halka Soomaaliya loohu marmarsooniyo Al-SHabaab, laaakiin wuxuu burburin ku wadaa maamul-goboleeddadii  iyo nidaamkii ahaa in qoomiyaduhu is maamulaan si gaar ahna isha ugu haya maamul-goboleedka Tigray oo uu rumaysanyahay in ka adkaanshihiisa ay ku xirantahay awooddiisa iyo riyadiisa ah inuu noqdo hoggaamiye ku-amar-ku-taagleeya guud ahaan Bariga iyo Geeska Afrika.

Marka  aad fiiriso abaal marinta la siiyay madax-weyne Farmaajo oo magaceedu yahay Concordia  Leadership Award oo macnaheedu yahay Abaal-Marinta Konkoordiya ee Hoggaaminta isla markaasna aad fiiriso dhibaatada iyo burburka uu u geystay hoggaamintii iyo siyaasaddii dalka waxaad fahmaysaa in abaal-marintaas ay dhacday meel aan munaasab ahayn ama ujeeddo taas ka duwan oo la xiriira arrimo ama dano innaga qarsoon lagu siiyay, mise annagaan ogeynee meel kale buu hoggaamiye ka ahaa?!…mise mugdiyo aanan la arkayn baa hoggaaminta macnaheedu yahay?! Mise waa waraaqaha khaanadda Farmaajo ku jira ee ay wada saxiixdeen isaga  Abiy Axmed?! Mise waa heshiisyada  shikadaha shidaalka iyo Xasan Cali KHeyre?!…Mise waa lacagaha Qadar?! Waxayse jawaabta waafiga ah ay tahay  “Nin kasta qofkuu abaal gashto baa abaal mariya!” waxaana hubaal ah wax kastaba ha lagu saleeyee inay jirto sabab abaal marintaas loo siiyay Farmaajo xaqiiqduse waxay tahay oo aan wax shaki ah ku jirin inaysan ku salaysnayn hoggaamintiisa! Wax kalaba  ha laynoo sheego, laakiin Hoggaamin?!

Abaal marintan waxay dadka Soomaaliyeed taraysaa oo keliya inay fahmaan macnaha iyo ujeedooyinka abaal marinnada la baxsho iyo in dhammaantood aan lagu bixin sababaha iyo ujeeddooyinka dadka loo sheego in lagu baxsho!… Waxaa la gudboon qofka Soomaaliga ah, ee dalkiisa burbursanyahay, ee ummaddiisa dhibka haysta ay xanuun ku hayso, inuu marka hore madaxa ku hayo in  siyaasiyiinta madaxda u sheeganaya ee ay maalin kasta ay shisheeyaha siinayaan abaal marinta, inaysan abaal marintaas ka turjumayn ama lagu qiimayn waxa ay dalkiisa iyo dadkiisa ka tabanayaan ama uu taraya siyaasigaas, mar haddii ay sidaas tahay maxay abaal marintaas qiimo kugu leedahay?!…uma malayniyo in madax-weyne Farmaajo uu ku farxay Abaal Marinta Concordia, maxaa yeelay xaqiiqda uu ogyahay ee dalka dhex taal ayaa ah mid si weyn uga duwan waxa lagu abaal mariyay!…Abaal dadkii kaa mudnaa aysan kaa helin oo nin kale kaa abaal marinayo!…kolayba waxaa shaki la’aan ah inay jirto sabab ay ku abaal mariyeen ha weynaato ama ha yaraato (maba yaree!)… Madax Dalal Kale Xilka U Haya Soomaaliyana Xukuma?!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this