Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump: Sidee xilka looga qaadi karaa madaxweynaha Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump: Sidee xilka looga qaadi karaa madaxweynaha Mareykanka?

.Dimuqraaddiyiinta ayaa u xusul duubaya in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa qorsheynaya in baaritaanno la sameeyo, si loo ogaado in Madaxweyne Trump uu mudan yahay in xilka looga qaado xiriirkii uu dowladda Ukraine kala sameeyay arrinta ku saabsan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Way jireen baaqyo ku saabsan in Trump xil ka qaadis lagu sameeyo intii ay socdeen baaritaannadii sannadaha qaatay ee ku saabsanaa xiriirkiisa Ruushka, laakiin markan haweeneyda afhayeenka ka ah aqalka wakiillada ee Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa qaadday tallaabo dheeri ah waxayna sameysay koox u kuurgasha arrintan.

Aqoonyahannada dhinaca sharciga ayaa sheegaya in madaxweyneyaasha aan dacwad lagu soo oogi karin ama la maxkamadeyn karin iyagoo xilka haya, sidaas darteed qaabka kaliya ee xafiiska looga saari karo waa in xil ka qaadis sharci ah lagu sameeyo.

Hase yeeshee, sidey arrintaas ku dhici kartaa? Yaase horay xil ka qaadis loogu sameeyay? Jawaabaha su’aalahan waxaa laga yaabaa inay aad kaaga yaabiyaan.

Ugu horreyn, waa maxay mooshinka xil ka qaadista?

.Qaabkee mooshin looga keeni karaa Madaxweyne Trump?

Marka uu erayga “mooshinka xil ka qaadista” ku jiro mowduuca aan hadda ka hadleyno micnihiisu waa in dacwad la geeyo aqalka Congress-ka, taasina waxay abuuri doontaa maxkamadeyn ka dhan ah madaxweynaha oo gudaha aqalka lagu falanqeeyo.

Dastuurka dalka Mareykanka wuxuu dhigayaa “in madaxweyne mooshin xil ka qaadis ah laga keeni karo marka lagu helo dambiyada kala ah: Khiyaano Qaran, Musuqmaasuq ama laaluush qaadasho iyo waliba dambiyada kale ee kuwaas kasii waaweyn”.

Hannaanka mooshinka xil ka qaadista waa inuu billaabo aqalka wakiillada wuxuuna u baahan yahay aqlabiyad fudud oo lagu ansixiyo. Laakiin maxkamadeynta waxaa lagu sameyn karaa aqalka odayaasha ee Senate-ka.

Laakiin markii halkaas la geeyo, in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo waxay u baahaneysaa codadka saddex meelood labo meel oo ka mid ah xildhibaannada – arrintaasna wali kama dhicin taariikhda Mareykanka.

Yaa horay looga gudbiyay mooshinka xil ka qaadista?

Inkastoo marar badan lagu hanjabay mooshinka xil ka qaadista, labo madaxweyne oo kaliya ayaa horay looga gudbiyay abid taariikhda dalka Mareykanka.

Kii ugu dambeyay wuxuu ahaa Bill Clinton, madaxweynihii 42-aad ee Mareykanka – wuxuuna mooshinka xil ka qaadista la kulmay ka dib markii lagu helay inuu ku xadgudbay habsami u socodka hannaanka caddaaladda.

Mr Clinton ayaa ka been sheegay xiriirka kala dhaxeeyay haweeney lagu magacaabo Monica Lewinsky, iyadana wuxuu ka dalbaday inay sidoo kale ka been sheegto, sida lagu eedeeyay.

.Markii ugu dambeysay aqalka wakiillada Mareykanka wuxuu mooshin xil ka qaadis ah ka keenay – Bill Clinton – sanadkii 1998-kii

Aqalka ayaa markii ugu horreysay codad kala ah 228 iyo 206 ugu codeeyay in mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyo madaxweyne Clinton, markii labaadna waxay ugu kala codeeyeen 221 iyo 212.

Waxaa xusid mudan in xilligaas oo ahayd bishii December ee sanadkii 1998-kii, heerka qiimeynta madaxweyne Clinton wuxuu ahaa 72%.

Hase ahaatee markii dacwaddu ay gaartay aqalka Senate-ka sanadkii 1999-kii, way ku guul darreysatay inay hesho saddex meelood labo ka mid ah codadka senetor-rada.

Yuu ahaa madaxweynaha labaad? Qish: ma ahayn Richard Nixon. hoos usii soco, oo arag qofka uu ahaa.

.Si ka duwan Mr Trump, qiimeynta heerka maamul wanaagga madaxweynenimo ee Mr Clinton waxay ku shareerneyd cirka. Sawirka waxaa ka muuqda Clinton, xaaskiisa Hillary iyo hoggaamiyaha tirada laga badan yahay ee aqalka wakiillada Dick Gephardt

Xaqiiqdii, madaxweynaha kale ee mooshinka xil ka qaadista ah laga keenay wuxuu ahaa Andrew Johnson, kaasoo muddo afar sano ah xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1865 – 1869, wuxuuna ahaa madaxweynihii 17-aad ee soo maray Mareykanka.

Marka, Mooshin xil ka qaadis ah malaga keeni karaa Mr Trump?

Waxaa falanqeynaya- Anthony Zurcher, wariyaha BBC News, ee ku sugan magaalada Washington

Muddo dhowr bilood ah, hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee xisbiga Dimuqraaddiga ee ku sugan aqalka wakiillada waxay ciyaarayeen shax ballaaran. Waxay rabeen in kuwa taageersan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Trump iyo kuwa kasoo horjeedaba ay helaan waxa ay doonayaan.

Qorshahan wuxuu keenay cabsi ay afhayeenka aqalka Nancy Pelosi iyo siyaasiyiin kaleba ka muujiyeen in xildhibaannada dimuqraaddiga ee dhexdhexaadka ah uu u horseedi karo khatar ku saabsan in dib loo soo dooran waayo marka la gaaro doorashada 2020-ka.

Balse arrintaas waxay isbaddashay markii hadda ay soo baxeen eedeymo loo heli karo caddeymo waaweyn oo ku saabsan xiriirka telefoonka uu Trump la sameeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, kaasoo sharci darro lagu tilmaamayo.

Hadda siyaasiyiintii ka laba labeynayay arrintan xitaa waxay diyaar u yihiin inay u codeeyaan mooshinka xil ka qaadista ah ee ka dhanka ah madaxweyne Trump.

An engraving showing the impeachment trial of President Andrew Johnson in the Senate March 13, 1868The impeachment trial of President Andrew Johnson

Haddii xitaa Trump laga soo gudbiyo mooshin xil ka qaadis ah… malaga yaabaa in xafiiska laga eryo?

Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ah ee uu kasoo jeedo madaxweynaha ayaa maamulka aqalka odayaasha ee Senate-ka, sidaas awgeedna Mr Trump xilka lagama qaadi doono, marka laga reebo in siyaasiyiinta xisbigiisa ka tirsan ay kusoo kala fireeyaan, kana soo horjeestaan.

Waxaase la ogyahay in tirada ugu badan ee siyaasiyiinta Jamhuurigu ay wali daacad u yihiin Donald Trump.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this