Deeq A. Posted September 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyneyso weerar ay AlShabaab maalmo kahor ku qaadey degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gaashaanle Sarre, Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha Maxkamadda, oo kormeer ku tegay tuuladaas ayaa shaaca ka qaade ka qaaday in ay baarayaan hadii weerarku yimid dayac iyo cidda mas’uuliyadda leh. Xarakadda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarkaas, waxayna tilmaamtay in ay ku furatay saanad ciidan iyo gaadiid. Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa dhankiisa wuxuu ku adkeystay in ciidanka ay iska caabiyeen gulufkaas. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/10000000_135749477737879_650083447547000755_n.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites