Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u ambabxay dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa maanta u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qaybgelayan Shirka Maalgashiga dalka Turkiga ee Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka warbixiyay ujeedka safarkiisa dalka Turkiga ayaa yiri “Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”.

Wafti baa ila socda oo isugu jira dowladda Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno” ayuu sii raaciyay mudane Karaash.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.

Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Ma’suuliyiin kale.

  • 1-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-5.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u ambabxay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this