Sign in to follow this  
Deeq A.

Amaro culus oo lagu soo rogay shacabka Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (SMN) – Saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa amaro ka soo saaray dadka hubka sharci darrada ah ku dhex-qaata xaafadaha magalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Faarax Cali Kooshin ayaa sheegay in la ogolyahay kaliya hubka sharciga ah oo ay sitaan ciidanka Xoogga dalka,isagoo sheegay in la gala wareegi doono shaqsiyaadka kale ee wata hubka.

Go’aankaan ka soo baxay taliska Milatariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay gudaha magalada Beledweyne ay ka socdeen howlgallo baaritaano ah, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo qaarkood ku eedeysan isticmaalka waxyaabaha Maanka dooriya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this