Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay, waxaa uu wada hadal kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargalin lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya 2 dal.

Sidooo kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuu magaalada New York kula kulmay Madax ka socota dalaka Caalamka, kuwaas oo ka qayb galay shirka Qaramada Midoobay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

erdogan-300x238.jpgFarmaajo iyo Rajab

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this