Deeq A. Posted September 25, 2019 Somaliland ayaa ku wargalisay ganacsatada shidaalka lasoo dega in aanay keenin wax shidaal ah bishaan iyo bisha soo socota, iyadoo ka xiratay Haamaha shidaalka lagu keydiyo. Qoraal dowladda kasoo baxay oo aan warbaahinta loogu talo galin, balse loo dusiyay, ayaa lagu sheegay, in uu maamulku hayo shidaal ku filan Somiland labada bilood ee soo socota, sidaas awgeedna waxay ganacsatada u sheegtay in aanay khasaare is galin. Waxaa qoraalka lagu celceliyay in aanay ganacsatadu dhayalsan digniinta dowladda ee ku saabsan inaan loo helidoonin meel ay shidaalka ku shubtaan haddii aysan fulin amarka dowladda. Somaliland waxay kaloo sharuud ku xirtay cid kasta oo shidaal keenaysa in ay marka hore dowladda usoo gudbiso xaddiga shidaalka iyo waqtiga ay doonayso inay soo degsato. Waxaa kale oo warkaan lagu sheegay in ay dhici karto in Somaliland lasoo degto shidaalka Naaftada, taasoo awal hore aan qorshaha ugu jirin, waxayna tilaabadaan cadaadis kusii ahaan kartaa ganacsatada Naaftada lasoo degta. Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay shidaal soo iibsanayso, waxaa go’aankaan uu walaac ku noqday ganacsatada gaarka ah ee shidaalka kasoo iibsan jiray suuqyada dunida. Puntland Post The post Somaliland oo handaraabtay keydka haamaha shidaalka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites