Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg : Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dib u dhigay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, taasoo lagu waday inay qabsoomto maalinta berrito ah oo ku beegan 26 bisha September.

Warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda federalku sifo sharci darro ah ku hor istaagtay wafuudii kala duwanayd ee ka qeyb gali lahayd xafladaas.

Jubbaland ma sheegin waqti cayiman oo la qabandoono, hase ahaatee waxay shaacisay in muddo kooban dib loo dhigay xaflada madaxweyne Axmed Madoobe lagu caleemo madayo.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.

71685786_1642054055928527_21330292448029

The post Deg Deg : Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this