Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax xoogan kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute lagula eegtay duleedka Caasimada, gaar ahaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa ka dhashay Miino la dhigay waddada dhinaceeda, taas oo lala bartilmaameedsay gaadiidkan oo ka yimid dhanka gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ay heleyso Caasimada Online ayaa sidoo kale intaas ku daraya in guddoomiyaha uu ka badbaaday qaraxaasi, walow uu jiro khasaare kale oo ka dhashay.

Xasan Cali Nuur iyo Shuute iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa ka yimid saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihii deegaanka Ceel Saliini, halkaas oo uu dhowaan ka dhacay weerar lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas oo noqonaya kii 2-aad oo isla maanta ka dhaca Muqdisho, iyadoo saaka ciidamo kale qarax lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 3 Askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this