Deeq A. Posted September 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo saaka aroortii hore ka dhacay dalcada Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo la saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay waxyeelo u badan dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa ciidan, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka tirsanaayeen maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari ee ka dhaca M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites