Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya, Masar iyo Kenya oo yeeshay shir saddax geesood ah

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Wadahadallo saddax geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa ku soo idlaaday is faham.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Siisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqaynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

Waxaa kale oo xusid mudan, in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.

Madaxweyneayaasha ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Shir-seddex-geesood2-281x300.jpg

Shir-seddex-geesood1-300x225.jpg

Post navigation

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this