Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Qarax khasaaro geystay oo saraakiil lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan guda Caasimada, ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miino, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaarigan oo ahaa nooca raaxada, xilli uu marayey dalcadda Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Khasaaraha hor dhaca ah ee la helayo ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari, ayna ku dhaawacmeen saddex qof kale oo la saarnaa gaariga.

Waxa kale oo qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas  oo uu ku jiro wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj.

Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saraakiisha qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwa ciidan, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka tirsanaayeen maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this