Sign in to follow this  
Deeq A.

Galka Baarista VOA: Xogta yaabka leh ee Basiira Cabdi Maxamed oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa maanta lagu soo bandhigay xogta Basiira Cabdi Maxamed oo ah gabadhii lagu eedeeyey inay fulisay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Waxa uu barnaamijka dib u raacay sooyaalka gabadhaas oo magaceeda dhabta ah uu yahay Maryam Cabdiraxmaan Muxumad Abiikar, sida ay shaqada uga heshay maamulka gobolka Banaadir iyo waxyaabaha la xiriirinaya kooxda Al-Shabaab.

Waxyaabaha yaabka leh ee xogta lagu bandhigay waxaa ka mid ah in Basiira hooyadeed ay sidoo kale tahay qof aragga la’ oo u ololeeya Al-Shabaab, islamarkaana haweenka ku dhiiri-gelisa inay ka mid noqdaan kooxdaas.

Basiira hooyadeed ayaa hadda ka hor wiil kasoo doontay gabadheeda oo Muqdisho ku sugan waxay ku tiri “gabadheeda ma guursanayo wiil aanay kasoo ureyn rasaasta mujaahidinta.”

Basiira oo 26 jir ahayd ayaa abaaheed waxa uu dhalay 16 canug oo 10 wiil iyo 6 gabdhood ah, hase yeeshee aabe Cabdiraxmaan Muxumad ayaa la sheegay inuusan saameyn badan ku lahayn nolosheeda.

Basiira adeerkeed ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab islamarkaana u qaabilsan yahay dhanka canshuuraha.

Xogta Galka Baarista ayaa waxaa ku jiray in Basiir marar dhowr ay la kulantay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynihii ka horreeyey ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana macquul ah in hadafkeeda koowaad uu ahaa inay disho madaxweyne.

Hoos dhageyso Galka Baarista oo uu soo jeedinayo Haaruun Macruuf

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Galka.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this