Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Maxamed Cali – ninka laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha Masar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa kuma Maxamed Cali – ninka laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha Masar?

.Maxamed Cali hadda wxaa auu ku sugan yahay dalka Spain

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Masar oo ay kamid yihiin Qaahira iyo Alexnadria ka socday dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka Madaxweyne Cabdul-Fataax Al-Sisi.

Dibadbaxyada oo ah kuwa aan looga barananin shacabka dalkaas dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kadib isbadelkii ka dhacay Masar ayaa u muuqday mid ay ku dalbanayaan in uu meesha ka baxo xukunka Madaxweyne Al-Sisi.

Cabdul Fataax Al Sisi ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo in uu ku takri falay hantida dadweynaha.

Arrinta ayaa waxaa shaaca ka qaaday nin si dhaw ula shaqeyn jiray milateriga Masar oo lagu magacaabo Maxamed Cali, kaas oo haatan u baxsady dalka Spain.

Maxamed oo musaafuris iskii ah ugu maqan dalka Spain ayaa horay u ahaa qanadaraasle la shaqeeyn jiray milteriga Masaarida, waxaana uu sheegay in intii uu la shaqeynayay uu ogaaday waxyabo badan.

Maxamed oo cinwaanada uu baraha bulshada ku leeyahay ay ku taxan yiiinn dad ku dhaw 2 milyan oo qof ayaa sheegay in shirkad uu leeyahay ay mashaariic badan u fulisay milateriga Masar, ayna kamid yihiin dhismeyaal iyo in uu alaab usoo iibiyay milateriga.

Maxamed Cali waxaa uu sheegay in wada shaeqyntii uu la yeeshay milaterga ay u sahashay in uu wax ka ogaado qaabka loo maareeyo dhaqaalaha dalkaas oo inta badan gacanta ugu jira ciidammada.

Dhowr muuqaal oo uu soo dhigay baraha bulshada ayaa xiisad ka abuurtay dalka Masar. Maxamed waxaa uu Madaxweynaha dalkaas iyo ciidanka ba uu ku eedeeyay in boqolaal milyan oo doolar ay u adeegsadeen dano shakhsi, ayna ku dhisteen huteelo, guryo iyo waxyaabo kale.

“Wakhtigaagu waa uu dhamaaday,” ayuu ku yiri Maxamed muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna shacabka dalkaas gu baaqay in maalinta jimcaha ay isugu soo baxaan wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Saameynta Maxamed Cali

.Dibadbaxyo dhowr ah ayaa ka dhacay dalka Masar maalmihii la soo dhaafay

Qaar kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Masar ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dibadbaxayadaas iyo saameynta ay ku yeelan karto noolasha dadka caadiga ah.

Waxay shegeen in marka la eego qaabka ay wax uga falceliyaan laamaha ammaanka ay arrintaas dhibaato ka dhalan karta, iyagoona ugu baaqay ciidanka in aysan la xifaaltamin dadka dibadbaxaya, balse ay ilaaliyaan.

Sidoo kale waxay dalbadeen in la sii daayo dhamaan maxaabiista u xiran arrimo siyaasadeed iyo ciidanka loo xiray in ay ka soo horjesteen siyaasadaha Madaxweyne Sisi.

Maxamed ayaa baraha bulshada ee dalkaas caan ka noqday, oo waxaa maalmahan baa ad u hadal hayay warbaahinta Carabta, kuwaas oo qaar kamid ah ay ku tilmaameen “hormuudka kacaanka cusub ee Masar.

Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in aanan la siinin lacagtii ay ku ballameen dowladda, gaar ahaan milateriga oo uu sheegay in shaqooyin badan uu u qabtay.

Dad badan ayaa aad ugu taxan akoonada uu 45 jirkan ku leeyahay baraha bulshada, oo waxay marwalba daawadaan muuqalada uu soo dhigo baraha bulshada ee uu kaga hadlo taliska Madaxweyne Sisi iyo xaaladda dalka Masar.

.Cabdul Fatax Al Sisi ayaa horay uso noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Masar

Muuqaaladii uu soo dhigay ee uu kaga hadlay “musuqmaasuq ka jira dalka Masar” ayaa wxaay dhalisay in ay soo xoogeystaan eedeemaha loo jeedinayo Madaxweynaha iyo hadal heynta dibadbaxyada.

Inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaa dibadbaxayada looga soo horjeedo Dowladda Masar iyo saameynta kale ee uu la soo bixi doona Maxamed Cali ayaa hadana maksaxda shacabka dalkaas waxaa wali ka guuxay dibadbaxyadii horay uga dhacay Masar iyo saameyntii ka dhalatay.

Hadaladii uu jeediyay Maxamed Cali ayaa waxay keentay in dowladda ay ciidamo soo dhoobto wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar, gaar ahaan fagaaraha Taxriir ee Magaalada Qaahira, halkaas oo xudun u ahayd dibadbaxyadii sababay isbadelkii ka dhacay Masar sideed sano kahor.

Dadka qaar ayaa aaminsan in shacabka Masaarida aysan ahayn sidii hore oo ay ka daaleen dibadbax, Maxamed Cali ayaa se wali ku baaqay in dadku ay isu soo baxaan oo meesha laga tuuro dowladda hadda jirta.

Ciidanka Masar ayaa sidii looga bartay ba aanan gacan bir ah kala hortagin dadkii dibadbaxayay maalmahan, waxaa se dadka darsa arrimaha Masar ay aaminsan yihiin in haddii dibadbaxayad ay sii ballaartan ay u badan tahay in milateriga ay gacan bir ah kala hortagi doonaan dadka.

Madaxweynaha Masar, Cabdul-Fataax Al Sisi oo ka qeybgalayay shirka dhalinyarada ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay maamulkiisa, isagoona ku tilmaamay kuwa meel ka dhac ah.

Mamnuucista Akhwaanul Muslimiin

.

Dadka taageera siyaasdaaha Madaxweynaha Masar ayaa mar wlaba ku dooda in uu dib u habeyn ku sameeyay dhaqaalaha Masar, waxbadan na uu ka qabtay dhaqalaah sii liicayay ee dalkaas.

Hasayeeshee daraasadd la soo saaray bishii Luulyo ee sanadkan ayaa lagu sheegay in qof kamid ah saddexdii qof ee Masar ay ku nool yihiin saboolnimo. Shacabka dalkaas ayaa gaaray boqol milyan oo ruux.

Maamulka Madaxweyne Cabdul-Fataax Al Sisi ee dalka Masar ayaa wadankaas horay uga mamnuucay ururka Akhwaanul Muslimiin oo uu ka tirsanaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee si dumuqradai ah looga soo dorto Masar.

Maxamed Mursi ayaa waxaa xilka ka tuuray isla Sisi oo uu xiligaas ahaa wasiirkii gaashaandhiga, waxaana intii ka damabeesay dalkaas lagu xirxiray dad badan oo ka afkaar duwan milateriga, kuwaa oo qaar badan oo kamid ah la xukumay, halka kuwa kalena ay u baxsadeen dalka dibadiisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this