Deeq A. Posted September 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Finland ayaa $8.9 Milyan oo doollar ugu deeqday mashruuca horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa lacag dheeri ah ku biirisay $8.9 milyan oo dollar oo lagu kabayo Sanduuqa MPF iyada oo loo sii marinayo Bangiga Adduunka. Deeqahan ayaa loogu talagalay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guud ahaan hadafka mashruuca MPF ayaa ah in lagu xoojiya awoodda ay dowladdu u leedahay dhismaha hay’ado adeegyada aasaasiga ah gaarsiin kara bulshada. Lacagtan ay ku deeqday Dowladda Finland ayaa daba socotay lacag hore ay ugu deeqday oo gaareysay $4.4 milyan oo dollar taas oo wadarta deeqaha ay bixisay Finland ka dhigeysa $13.4 m oo doollar. “Wax aynu aad ugu faraxsan nahay horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay Soomaaliya iyo hay’adaheeda oo dib u habeyn lagu waday tan 2012-kii” ayuu yiri Erik Lundberg oo ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay caqabada badan ku hor gudban yihiin in la hubiyo in ay adeegyadii muhiimka ah ay gaareen dadka saxda ah. Dowladda Finland ayaa deeq bixiye weyn ka ah sanduuqa MPF oo la furay 2014-kii si dalalka caalamka ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites