Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeyn dhowaan uga timid Jabuuti, taas oo salka ku heysa loolanka ay labada waddan ugu jiraan xubin ka noqoshada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Jabuuti.

Aadan ayaa sheegay in Kenya aheyd mid ka shaqeysa nabadda iyo xasiloonida”, Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya, si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka.

Jabuuti ayaa Isbuucii la soo dhaafay Kenya ku tilmaantay waddan aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, iyadoo tusaale u soo qaadatay khilaafka kala dhaxeeya Somalia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this