Deeq A. Posted September 24, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaas lagu toogtay Nabadoon. Nabadoonka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle oo ku magic dheeraa Qaloosh. Dilkaan ayaa waxaa fuliyey Kooxo ku hubeysan buskoolado oo nabadoonka ku dhuftay Dhawr Xabad xilli uu ku sugnaa Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bacad. Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsaden goobta waxaana mudo yar kadib la sheegay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas halkaas baaritaano ka wada. Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waxaa looga bartay inay fuliyaan Kooxda Al-Shabaab, inkastoo aysan weli sheegan dilkaan. Al-Shabaab ayaa horey waqti ugu qabatay odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana Al-Shabaab cafis ahaan ugu tagay boqolaal oday sida ay sheegeen. Kooxdaan ayaa sii badisay cadaadiska ay ku heyso Odayaasha soo xulo Xildhibaanada, waxayna maalmihii dambe wadeen qorshe ay ku doonayaan inay saameyn ku yeeshaan Xildhibaanada la filayo in lasoo doorto Doorashada soo socoto marka uu dhamaado waqtiga Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites